MAXA SABABAY IN SHAQO LA`AANTU AAD U BADATO WAQTIGAN(SOMALILAND)

MAXA SABABAY IN SHAQO LA`AANTU AAD U BADATO WAQTIGAN(SOMALILAND)

Waxa aan rabaa inaan is ku dayo inaan ka jawaabo su`aalahan hoos ku xusan.

  1. Ma waxbarashadeena hoosaysa oo sidaa ayey u badatay shaqo la`aanta? 
  1. Ma suuqa shaqo raadis ama qaabka shaqada loo raadiyo loona helo ayaa inaga qaldan?
  1. Ma wax yaabo kale oo ka baxsan waxbarashada iyo suuqa shaqada ayaa jira oo keentay in shaqo la’aanta xadhkaha goosato?

Boqolkii ba todobaadka iyo shan  dhalinyarada reer Somaliland waa shaqo la’aan wadanka guduhiisa. Marka hore ba waxa ay yihiin todobaatan  boqolkiiba bulshada wadan, yacni waa ay tiro badan yihiin in kasta oo Africa bulshadeedu ay dhalinyaradu badan tahay oo ah wixii ka yar da`a sodon jirka iyo wixii la hal maala. Sanadkiiba waxa qalin jebiya arday aad u fara-badan gobolada wadanka guud ahaan Hargeisa haba ugu badnaa ee waayo waa caasimaddii wadanka, laakiin ardaydaasi waxa ay sare u qadaan heerka shaqo la`aanta wadanka yacni waxba kuma soo kordhiyaan xag shaqo iyo wax-sosaarka wadanka. Taas waxa ba ka sii daran dowlad kasta waxa ay u balan qaaday inay waxka bedeli doonta hannaanka waxbarasho, shaqo abuur iyo maalgelinta dhalinyarada wax-baratay ee jaamacadaha dhammeeyey, balse wax ficil ah oo ay dowlad kasta qaado ama xatta qofkasta oo balan qaad sameeyey qaado ma dhacdo. Sida darteed dhalinyaradii waxa ay noqdeen kuwo ka aamin kabaxa waxyaabaha murashaxiintu balan qadayaan. 

  1. Ma waxbarashadeena hoosaysa oo sidaa ayey u badatay shaqo la`aanta? 

Waa run oo tayada waxbarashada wadankeenu waa ay hoosaysaa marka loo eego wadamada kale ee qaarada Africa, sababtuna waxa weeye dowladii oo aan ahmiyad badan siinayn horumarinta iyo tayeyta waxbarasho ee wadanka. Wadamadu waxa ay isbedelo ku sameeyaan manhaj kooda shantii sano ba hal mar, waayo waxa dhici kartaa in waaqiciga suuqu iyo isbedelka dunidu ee ay technologiyadu hormuud u tahay is bedelaan. Marka si aanay dhalinyarada khilaaf xagga shaqo raadinta ahi ugu dhicin waa la bedela ama la tayeyaa manhajka waxbarashada. Laakiin dowladeheenu taas kuma baraarugsana oo qorshaha ba ugu ma jirto. Nidaamka waxbarasho ee wadankeena kuma ba jirto qaabka shaqo abuur ee dhalinyarada marka ay dhameeyaan waxbarashadooda, sida barashada farsamada gacanta, iyo hindisidda iyo ikhritaacidda waxyaabo cusub oo aan hore ugu jirin suuqa Somaliland haba ku jireen suuqyada wadamada kale e. 

2. Ma suuqa shaqo raadis ama qaabka shaqada loo raadiyo loona helo ayaa inaga qaldan?

Haa waa aan aaminsanahay in aysay muah hhbbbb  innaga qaldan tahay qaabka shaqo raadintu oo ay hadhaysay musuq-maasuq baahsan waayo, qofkii meel masuulka ahiba waxa uu shaqalaysiinaya ciddii uu garanayo ha ahamadeen ehelkii, asxaabtii iyo cid kasta oo ay shuraako wax ku yihiine. Marka musuq-maasuq waa number one ama waxa kowaad ee innaga qaldan si shaqo loo helo, waxa aana dhacda dad aan shaqada ku haboonayni yimaadaan goobaha shaqada dowlada, hayadaha maxaliga ah iyo goobaha ganacsiga wadanka. Ma aha shaqada oo keliya balse musuq-maasugu waxa uu galay meel kasta sida siyaasadda, shaqada, waxbarashada, xisbiyada dowladda, waa na waxyaabaha ugu horeeya ee innoogu wacan waxqabad la`aanta, shaqo la`aanta, horumar la’aanta iyo ictiraaf helid la`aanta muddo aad u dheer. 

3. Ma wax yaabo kale oo ka baxsan waxbarashada iyo suuqa shaqada ayaa jira oo keentay in shaqo la’aanta xadhkaha goosato?

Haa, sida in dowladaha soo maray Somaliland aanay ku tartamin waxqabad ee ku tartamaan sidii ay xafiiska uun u sii joogi lahaayeen oo ay u sii maamuli lahaayeen. Waa na ta keentay in shaqo la`aanta dhalinyaro ay aad u badato oo noqoto xaalad aan waxba laga qaban karin, waayo waqtigan waxa jirta loolan siyaasadeed oo socday in ka badan labo sano taas macneheedu waa dowlada hadda joogta wax waxtar ah oo ay u fidisay dhalinyarada ka soo qalin jabinta jaamacadaha wadanka iyo debadaba ma jirto, waayo haddii in uun wax laga qaban laha sanadkii waxa la dareemi lahaa sida ay u yaranayso shaqo la`aanta balse waa ba ay sii kordhaysa. Markii ay dhaceen abaaro in badan socday, sixir barar aad u baahsan oo qaali aan la goyn karayn ka dhigay maceeshadii, iyo wax soo saar la`aanta wadanka oo aan awoodin karin in aynu beerano xatta tamadhada iyo basasha saddexda bilood ku baxda. 

Ugu dambayn waxyaabaha wadanka ka saari lahaa shaqo la`aanta waxa ay noqon kartaa, shaqo abuur, taas oo ah maalgelinta dhalinyarada marka ay la yimaadaan ikhtiraacyo ganacsi iyo wax soosaar. Kordhinta farsamada gacanta iyo xirfadah kale ee la xidhiidh. Ku dhiiri gelinta waxsoosaarka wadanka sida dallaga la cuno, iyo tacabka dhulka, iyo in suuq loo helo khayraadka wadanka sida xoolaha nool, macdanta, beeyada, iyo soo saarista kaydka shidaalka ee wadanku qaniga ku yahay. 

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *