Faa`iidooyinka Jimicsigu Jidhka u Leeyahay Caafimaad Ahaan.

Faa`iidooyinka Jimicsigu Jidhka u Leeyahay Caafimaad Ahaan.

 Jimicsiga jidhka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daryeelka caafimaad ee lagu joogteeyo jidhka, kaas oo qaybka qaata fir-fircoonida maskaxeed ee qofka jimicsiga sameeya, waayo jidhka ayaa helaya fur-furnaasho awoodeed sida muruqyada, lafaha iyo qul-qulka dhiigga qofka. Qofka ayaa noqda mid joogteeya shaqada oo aan dareemin caajis iyo wixii la mid ah. 

Fir-fircoonida jidhku waxa ay ka bilaabmata maskaxda sababta oo ah iyada ayaa isticmaasha qaybaha ugu badan ee awoodda jidhka, sida dhiigga, hawada jidhka si ay u soo saarto dareenka jidhka sababta oo ah wax kasta oo jidhka ku dhaca maskaxda ayaa ka dareen celisa ama jawaabta. Marka jimicsigu waxa uu siyaadiyaa shaqada ay maskaxdu hayso oo si fudud iga fal-celisaa sida ka jawaabidda howlaha jidhka ku dhaca. 

https://medicare.chpw.org/so/member-center/medicare-plan-benefits/gym-membership/

Fir-fircoonidda jidhka waxay ku jirto kaalinta dhiigga oo aan lahayn dhibaatada. Waxa lagu heshiiyaa in jidhku uu noqdo mid si buuxda u kordhinta dhiigga, kaas oo ka caawinaya in la dhaqanto hawo iyo dhibaatooyin kale ee jidhka.

Haddii ay maskaxdii si fiican u qadanayaso qaybihii shaqada ee jidhka, taas oo ay sabab u tahay qul-qulka dhiigga iyo fur-furnaanta muruqyada jidhka oo si fiican u kala baxa xilliga jimicsiga qofku sameeyo si joogta ah. Hilibka iyo muruqyaduna waxa ay ka qayb qaataan fir-fircoonida qofka waayo haddii ay helaan jimicsi joogta ah waxa yaranaysa sidii ay ku caajisi lahaayeen. Muruqyada oo kala baxa ama kora si caafimaad ku jiro waxa ay kordhinaysa fir-fircoonida caafimaad ee dhammaan jidhka qof ka jimicsiga sameeya nooca uu doono jimicsigu ha ahaadee. 

Si kale haddii loo dhigo waxa ay kor u qaadaysa daryeelka nafta ee qofka, waayo, qofkii jimicsiga samaynayey ee goor walba joogtaynayey gymka iyo sports ka kale waxa u sahlananaysa in uu dhakhso uga fal-celiyo haddii ay caafimaad darro soo foodsaarto, waayo dhisidda jidhka ayaa ah daryeel joogta ah oo aanu samayn qofka aan jimicsiga samayn. 

Hadaba qofka doonaya inuu jimicsi sameeyo si joogta ah uma baahna in uu aado ama tago gymka ama meelaha lagu jimicsado; waxa uu samayn karaa in uu raaco qaab uu isagu rabo ama u baahan yahay in uu jidhkiisu u dhismo sida lugaha, gacmaha, caloosha uu u iska rido ama jaro, iyo wixii la halmaala. Waxa uu u bahan yahay inuu meeshu degan yahay ama uu tegi karo ku jimicsado isaga oo raacaya qaabkii uu doonayey haba yaraadee, muhiimaddu waa joogtayn iyo ka dhabayn hadafkii uu rabo ee ah jimicsiga jidhka. Sido kale waxa ay kor u qaada in qofku joogteeyo wax kasta oo uu qabanayey oo aanu ka daalin ama caajisin sida wax barashadii, shaqadii iyo howlaha kale ee uu qofku qabto. 

https://www.bezzia.com/so/faa%27iidooyinka-jimicsiga-jirka-u-leeyahay-caafimaadka-maskaxda/

Darasado la sameeyey ayaa lagu ogaaday in dadka sameeya jimicsiga ay cel-celis ahaan ka caafimaad qab badan yihiin dadka aan jimicsiga samayn, sababta oo ah xatta cuntada ay cunayaan ayaa kala duwan oo qofkan jimicsadaa waxa uu cunaa cunno ka qayb qaadanaysa koridda muruqyada iyo dhisidda qaabka jidhka halka qofka kale uu cuno cunno mararka qaar aan u wacnayn caafimaadka jidhka. Qofku marka uu jimicsanayo waxa jidhkiisu soo saara qashinka kaas oo dhidid ahaan ugaga soo baxa. 

https://www.bbc.com/somali/articles/cjqvqw992qzo

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *